10-Ka Xiddig Ee Khadka Dhexe Ee Ugu Fiican Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa dhamaad ku sii dhawaanaya xilli ciyaareedka premier League iyada oo 4 kulan oo kaliya ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalka ee 2020/2021.

Waxa la soo ciyaaray premier League muddo bilo ah waxana jira xiddigo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu bilowday xilli ciyaareedkan.

Xiddigahaas ayaa kooxohooda ka caawiyay in ay gaadhaan guulo muhiim waliba door weyn ka qaatay booska ay kooxodooda haatan kaga jiraan horyaalka premier League.

Marka laga hadlayo kubada cagta wakhti xaadirkan waxa ugu muhiimsan khadka dhexe marka loo eego in booskaas mishiin u yahay kooxda waliba tahay booska ay ka dhaqaaqdo koox walba.

Marka la dooranayo xiddigo dhawr ah waxa dhacaysa mar walba in laga tago xiddigo kuwaas oo si fiican u ciyaaray laakiin qaab ciyaareedkooda uu qarsoonyahay sababo kala duwan dartood.

Wargayska Daily Mirror ayaa soo saaray Liiska 10-ka xiddig ee khadka dhexe ah ee ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

1 – Bruno Fernandes

2 – Kevin De Bruyne

3 – Youri Tielemans

4 – Mason Mount

5 – Ilkay Gundogan

6 – Tomas Soucek

7 – Pierre-Emile Hojbjerg

8 – Declan Rice

9 – Yves Bissouma

10 – Rodri

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.


Source: laacibfm

SHARE