Arsenal Oo Qarka U Saaran Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay dhameystirto heshiiska Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Betis Guido Rodriguez.

Gunners ayaa suuqa u gali doona xoojin khadka dhexe ah iyada oo iska diri doonta xiddiga Amaahda ay ku haysato ee Dani Ceballos dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa la fahamsan yahay inuu calaamadsaday Rodriguez inuu yahay bartilmaameedkiisa ugu horeeya ee uu doonayo in uu ku badalo Ceballos.

Wargayska Estadio Deportivo ayaa sheegaya in ay labada kooxood ee Arsenal iyo Real Betis haatan ku dhawyihiin in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa heshiiskiisa Real Betis lagu bur-burin karaa lacag dhan 69 milyan oo euro laakiin kooxda Betis ayaa ku jirta xaalada dhaqaale oo xun waxana ay diyaar u tahay in ay hoos u dhigto qiimaha xiddiga.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.


Source: laacibfm

SHARE