Chelsea Oo Man United Iyo Liverpool Kaga Horaysa Baacsiga Xiddig Ay Si Aad U Doonayaan.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay banaanka keentay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Man United xagaagii hore laakiin xiddiga ayaa iska sii joogay kooxdiisa kadib markii ay United diiday in ay bixiso lacagta ay Dortmund doonaysay.

Sidoo kale xiddiga ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha Man United Liverpool bilihii ugu dambeeyay kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer England marka la gaadho suuqa xagaaga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Bild ayaa sheegaya in ay chelsea haatan tartanka ku biirtay waliba kooxaha Man United iyo Liverpool kaga horayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

Tabababraha chelsea ee Thomas Tuchel ayaa doonaya in uu weerar dhanka suuqa ah ku qaado kooxdiisa si uu u helo xiddiga Sancho uguna xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.


Source: laacibfm

SHARE