Herrera” Haddii Waxa Uu Garsooraha Ku Sameeyay Paredes Sameyn Laheyn Waa Hubaal 4- Kulan Ayaa Nala Ganaaxi Lahaa”.

Xiddiga PSG ee Ander Herrera ayaa tilmaamay in garsooroihii kulankii Man City hayay uu bahdilay saaxibkiisa kooxda ee Leandro Paredes.

PSG ayaa macsalameysay tartanka Champion-ka waxa ayna ku hareen wareegga 4-ta ka dib guul darro laba gool ah oo ay kala kulmeen City

Kulankaas waxaa kaarka cas la siiyay Di Maria waxa ayna ka dib jawiga ciyaarta ahaa mid qasan muddo daqiiqad ah .

RMC Sport ayuu Harrera ka yiri ” PSG ayaa wacneyd kulankaan muddo 70 daqiiqo ah , si wlaiba ayaan u weerarnay balse dhib malaha waxaan kulankaan ka harnay anaga oo sharaf leh”.

” Sahal ma aha in sanadkii hore finalka joogtay hadana afarta koox ugu dambeeyay noqoto” ayuu sii raaciyay Harrera .

Arinta Leandro Paredes mar uu ka hadlayay waxa uu yiri ” garsooraha waa uu caayay laacibka waxa una yiri F** U waliba laba jeer”

“Haddii sidaas ciyaartooy uu dhihi waa hubaal sedex kulan ama afar ayaa la ganaaxi lahaa” ayuu sii raaciyay Harrera .


Source: laacibfm

SHARE