Madaxweynaha Barcelona Ee Joan Laporta Oo Diyaar U Ah In Uu Iibiyo Laba Xiddig Oo Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Kooxda.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa lagu soo waramayaa in uu qarxinayo lama filaan kooxdana ka iibinayo laba ka mid ah xiddigaha laf dhabarta u ah kooxda.

Waxa sidaas laga soo xigtay saxafiga El Chiringuito ee Alfredo Duro kaas oo sheegay in uu Laporta ogolaaday in kooxa laga diro laba xiddig oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Alfredo Duro ayaa sheegay in ay labadaas xiddig yihiin xiddigaha Sergio Busquets iyo Jordi Alba kuwaas oo uu u iibinayo sabab la xidhiidha mushaharkooda oo aad u sareeya.

Labada xiddig ayaa ah kuwo ka soo baxay Akademiyada La Masia waxana ay kooxda u soo ciyaareen muddo dheer iyaga oo kooxda kula guulaystay koobab badan.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.


Source: laacibfm

SHARE