Miyuu Ramos Ciyaarayaa Kulanka Chelsea , Tababare Zidane Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Real Madrid ee Zidane ayaa ka hadlay xaaladda kabtankiisa Ramos ee ku aadan ka qeyb galka kulanka Chelsea .

Waxa uu tilmaamay in uu diyaar yahay laacibka balse uusan dooneyn in uu ku qamaaro halka uu dhanka kale ammaanay ahmiyadda uu Hazard u leeyahay kulankaas

Kulankii hore waxa ay labada koox ku hishiiyeen min hal gool halka kulanka labaad lagu ciyaarayo garoonka Chelsea .

Wargeyska AS ayuu Zidane ka yiri ” Ramos waa uu nala joogaa taasi micnaheedu waxa ay tahay xaalkiisa waa wacan yahay”.

” Hazard waa diyaar , waan u baahannahay dhab ahaan wuu caawinayaa kooxda” ayuu yiri Zidane .

Hadalka Zidane waxaa loo micneeyay in laacibka uu qeyb ka noqon doono kulankaas balse uusan ku soo bilaaban doonin ama uusan dhameysan doonin ciyaarta


Source: laacibfm

SHARE