RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Uu Kaga Hor Iman Doono Chelsea.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda chelsea kulan ka tirsan lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions League.

Zidane ayaa Liiska ku soo daray xiddigaha Sergio Ramos, Ferland Mendy, Marcelo & Fede Valverde kuwaas oo dhamaantood taam buuxa u noqday in ay ka qayb qaataan kulanka.

Tababaraha ayaa soo xushay 23 xiddig waxana ka mid ah xiddiga Marcelo kaas oo markii hore laga cabsi qabay in uus eego sabab la xidhiidha in uu ku qornaa in uu ka shaqeeyo Doorasho ka dhacaysa Gobolka uu ka daganyahay Madrid.

Zidane ayaa Liiska ku soo daray 3 xiddig oo da’yar ah kuwaas oo kala ah  Miguel Gutierrez, Antonio Blanco & Sergio Arribas kuwaas oo uu ku buuxiyay Liiska xiddigaha uu u qaatay London.

Halkan Hose Kaga Bogo Liiska uu Zidane u soo xushay kulanka:

Goolhayayaasha: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Daafcyada: Eder Militao, Sergio Ramos, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy, Miguel Gutierrez.

Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Isco, Fede Valverde, Sergio Arribas, Antonio Blanco.

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.


Source: laacibfm

SHARE