Robert Lewandowski Oo Ku Soo Wajahan Premier Leaugue, Kooxdee Ayuu Ku Wajahanyahay?

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay fikradda ah inuu u dhaqaaqo Premier League haddii ayna kooxdiisa haatan u soo bandhigin heshiis cusub.

Lewandowski ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu fiican kubada cagta haatan waxana uu xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay xiddiga ugu fiican adduunka ee abaalmarinta ay bixiso FIFA ee The Bues kadib markii uu dhaliyay 55 gool 47 kulan.

Heshiiska xiddiga 32 jirka ah ayaa dhici doona xagaaga 2023 laakiin wargayska Sport Bild ayaa sheegaya in ayna Bayern Munich wax niyad ah u hayn in ay heshiis cusub u soo bandhigto xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in wakiilka xiddigu haatanba la xidhiidhay kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub si uu ugu soo bandhigo saxiixa xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Lewandowski u furanyahay in uu ku biiro Premier League isaga oo midkood u dhaqaaqi doona kooxaa Man United, Man City ama Chelsea hadii ay dalab ka gudbiyaan.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.


Source: laacibfm

SHARE