Xiddiga Ugu Fiican premier League Xilli Ciyaareedkan Oo Xog Lagu SHhaaciyay.

Xiddiga kooxda Man City ee Joao Cancelo Ayaa ah xiddiga ugu fiican horyaalka premeir League xilli ciyaareedkan sida laga soo xigtay xog la uruuriyay tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Portugal ayaa laf dhabar u noqday kooxda Pep Guardiola xilli ciyaareedkan kuwaas oo isha ku haya ku guulaysiga 3 koob xilli ciyaareedkan.

Xaqiiqda ayaa ah in uu xiddiga reer Portugal xitaa ka fiicanyahay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kevin De Bruyne iyo waliba xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes.

Sida laga soo xigtay Instat, Cancelo ayaa ka fiican xiddig walba oo ka ciyaara premier League xilli ciyaareedkan isaga oo aanu xitaa xiddig kale u soo dhawayn qaab ciyaareedkiisa.

Kooxda Man City ayaa xiddigaha Rodri, De Bruyne iyo Riyad Mahrez ku leh 4-ta boos ee xiddigaha ugu fiican ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Xiddiga West Ham ee Jesse Lingard ayaa ku jira kaalinta 5-aad inkasta oo uu muddo gaaban joogay West Ham maadama uu suuqii January qaab amaah ah ugu biiray kooxda.

Xidigaha  Ilkay Gundogan,  Jack Grealish, John Stones, Joel Matip & Kurt Zouma ayaa sidoo kale ku jira 10-ka boos ee ugu sareeya xiddigaha ugu fiican xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.


Source: laacibfm

SHARE