Bayern Munich Oo Arsenal Ku Cidhiidhinaysa Xiddig Uu Mikel Arteta Doonayo.

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kula dagaalanto Arsenal saxiixa daafaca Inter Milan Achraf Hakimi.

Xilli la filayo in uu Hector Bellerin isaga tago kooxda xagaaga Arsenal ayaa la rumaysanyahay in ay Hakimi u calaamadsatay badalkiisa tooska ah.

Xiddigii hore ee Arsenal ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Inter Milan isaga oo kooxda ka caawiyay ku guulaysiga horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Haatan saxafiga Manuel Bonke ayaa sheegaya in tababaraha cusub ee Bayern Julian Nagelsmann uu Hakimi u calaamadsaday saxiixiisa ugu horeeya waliba diyaar u yahay in uu kula tartamo Arsenal.

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga reer Morocco ku qiimayso lacag dhan 50 milyan oo euro kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan


Source: laacibfm

SHARE