Chelsea Oo Garaacday Real Madrid Iskana Xaadirisay Final-ka Champions League, Ma City Ayay Balansatay.

Kooxda chelsea ayaa garaacday Real Madrid iskana xaadiriyay Final-ka tartanka champions League iyaga oo balansaday kooxda Man City.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo Kooxda chelsea ciyaarayso weeraro orod ah halka ay Real Madrid Maamulaysay ciyaarta hadii ay noqoto dhanka kubad haysashada.

Laakiin chelsea ayaa halka weerarka ka halis badnayd kooxda Real Madrid kuwaas oo aan in badan gaadhin goolka Kooxda chelsea oo uu hor joogay difaac bir ah.

Chelese ayaa daqiiqadii 18-aadba dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Timo Werner laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray.

Laakiin Chelsea ayaa gool cad heshay daqiiqadii 28-aad waxana mark kale shabaqa soo taabtay xiddiga Timo Werner kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Real Madrid ayaa sii waday maamulista ciyaarta xilli ay chelsea si fiican u difaacanaysay dhanka kalena qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Karim Benzema ayaa ku dhawaaday in uu gool u dhaliyo kooxdiisa kadib madax cajiib ah oo uu la helay kubada laakiin Goolhayaha Chelsea ayaa si fiican u difaacday kubada una diiday in ay shaaqa gasho kubadu.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo chelsea ahayd kooxda hogaaminaysa natiijada kulanka laakiin Real Madrid ahayd kooxda maamulaysa ciyaarta.

Qaybta Dambe:

Kooxda Real Madrid oo ay ka go’antahay in ay dhaliso goolka bar-baraha ayaa si dar-dar leh u bilowday qaybta dambe ee ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Laakiin chelsea ayaa si fiican u difaacatay iyaga oo sidoo kale sii waday qaadista weerarada rogaal celiska ah waliba dhawr mar ku halis galiyay goolka kooxda Real Madrid.

Xilli ay Real Madrid raadinaysay goolka bar-baraha ay Blues qaaday weerar rogaal celis ah waxana ay daqiiqadii 85-aad ku dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mason Mount kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea sidaas isaga xaadirisay Final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan waliba balansaday kooxda Man City.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan


Source: laacibfm

SHARE