Chelsea Vs Man City: Wakhtiga La Ciyaari Doono Final-ka Champions League, Meel Ku Qoro

Waxa si Rasmi ah loo ogaaday kooxaha isaga hor iman doona Final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan kaas oo ay isaga hor iman doonaan laba koox oo premier League.

Man City ayaa markii ugu horaysay iska xaadirisay Final-ka tartanka champions League kadib markii ay garaacday kooxda PSG laba kulan oo ku dhamaaday 4/1 natiijada labada kulan.

Dhanka kale kooxda chelsea ayaa iska xaadirisay Final-ka champions league markii 3-aad ee taariikhdooda kadib markii ay 3/1 ku garaaceen kooxda Real Madrid natiijada labada kulan.

Sidaas darteed labada kooxood ee premier League ayaa isaga hor iman doona Final-ka tartanka champions league xilli ciyaareedkan kulan ka dhici doona garoonka Ataturk Olympic Stadium ee ku yaala caasimada dalka Turkey ee Istanbul.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan


Source: laacibfm

SHARE