David Luiz Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal.

Xiddiga kooxda Arsenal ee David Luiz ayaa lagu soo waramayaa in uu raadinayo oo uu ku biiro xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Arsenal.

Xiddiga reer Brazil ayuu heshiiskiisa haatan ee Emirates dhici doonaa xagaaga mana jirto wax muujinaya in uu u saxiixi doono heshiis cusub.

Luiz ayaa noqday xiddig muhiim u ah kooxda Arsenal laakiin soo laabashada William Saliba Waxa uu ka cabsi qabaa in uu ka bixi doono qorshahah tababare Mikel Arteta xilli ciyaareedka dambe.

Shabakada CBS Sports ayaa seegaya in uu David Luiz haatanba qorshaynayo in uu isaga tago kooxda Arsenal isaga oo ku biiri kara kooxda Lazio ee horyaalka Serie A-da.

Sidoo kale xiddiga 29 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayaa horyaalka dalka Maraykanka ee MLS iyada oo lala xidhiidhinaya dhawr koox oo ka ciyaara horyaalka dalkaas.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan


Source: laacibfm

SHARE