Kylian Mbappe Oo Sabab U Noqon Kara In Uu Mohamed Salah Ka Tago Liverpool, Qaab Noocee Ah.

Paris Saint Germain ayaa lagu soo waramayaa inay Mohamed Salah u caalamsatay badalka Kylian Mbappe hadii uu xiddigu ku fashilmo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda xagaaga.

Salah ayaa mar kale muujiyay xilli ciyaareedkan in uu soo bandhigi karo qaab ciyaareed fiican kadib markii uu dhaliyay 29 gool 45 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa ah xiddiga ugu oolasha badan Liverpool xilli ciyaareedkan waxana uu u tartamaya gool dhalinta horyaalka premier League.

Wargayska Le Parisien ayaa sheegaya in ay kooxda PSG isku diyaarinayso in ay baanka u jabiso saxiixa xiddiga Mohamed Salah si ay badal uga dhigaan xiddiga Kylian Mbappe oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Mohamed Salah ayaa Liverpool kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda mustaqbalka dhaw ee soo socoda.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan


Source: laacibfm

SHARE