Man City Oo Bar-Baraysay Rikodh Taariikhi Ah Oo Ay Real Madrid Ka Dhigtay Champions League.

Kooxda Manchester City Ayaa si fudud isaa xaadirisay Final-ka champions League xilli ciyaareedkan kadib markii ay garaaceen kooxda PSG kulan ka dhacay Etihad Stadium kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee tartanka.

Guushaas ayaa Man City ka caawisay in ay isku qorto taartiikhda champions league waliba noqoto kooxdiisii ugu horaysay ee England ah ee ka dhigta rikoodhkaas taariikhda tartanka champions League.

Guushii ay Man City ka gaadhay PSG ayaa ahayd guushii 11-aad ee xilli ciyaareedkan tartanka champions League taas oo ah rikoodh ayna wali koox premier League ka ciyarta ayna ka dhigin tartanka.

Kooxda Man City ayaa sidoo kale bar-baraysay rikoodhka guulaha ugu badan ee champions League ee xilli ciyaareed kaliya kaas oo ay Real Madrid dhigtay xilli ciyaareedkii 2001-20002.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan


Source: laacibfm

SHARE