Qorshaha Real Madrid Ee Saxiixa Xiddigaha Kylian Mbappe & Erling Haaland Oo La Ogaaday

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay dajisay qorshe 12 bilood ah oo ay ku doonayso saxiixa xiddigaha Kylian Mbappe iyo Erling Haaland.

Kooxaha ugu waaweyn yurub ayaa isku baacsanaya labada xiddig oo laga yaabo in ay kooxo cusub ku biiraan mustaqbalka dhaw.

Mbappe ayaa wali diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG xilli uu galay sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa halka ay Borussia Dortmund xiddiga Haaland ku waayi karto laca dhan 68 milyan oo eur.

Shakiga ku jira mustaqbalka labada xiddig ayaa sii xoojiay in ay kooxaha waaweyn isku baacsadaan saxiixoosa waxana ay Real Madrid ka mid tahay kooxaha doonaya saxiixiisa labada xiddig.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid doonayso in ay ka faa’iidaysato diidista Mbappe ee ah in uu heshiis cusub u saxiixo waliba u dhaqaaqo saxiixiisa suuqa xagaaga.

Sidoo kale kooxda real Madrid ayaa ku qanacsan in ay Dortmund ku qancin karto in ay ka iibiso xiddiga Haaland laakiin heshiis la sii meel dhigto isla markaasna u ogolaato in uu xiddigu sii joogo Dortmund xilli ciyaareedka dambe ka hor inta uuna kooxda si toos ah ugu biirin xagaaga 2022.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan


Source: laacibfm

SHARE