Real Madrid Oo Si Dhaw Ula Socota Xiddig Ka Baxay Qorshaha Pep Guardiola.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay si gaar ah isha ugu hayaan xaalada xiddiga Raheem Sterling ee Man City.

Xddiga reer England ayaa booskiisa u waayay xiddiga Phil Foden todobaadyadii ugu dambeeyay isaga oo kaydka ku bilowday kulankii PSG ee champions League.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga Sterling si ay ugu dhaqaaqaan midkood xiddigaha Erling Haland ama Jack Grealish suuqa xagaaga.

Shabakada Football Insider ayaa sheegaysa in ay Real Madrid si dhaw ula socoto xaalada xiddiga kooxda Man Cty xilli lagu heli karo lacag dhan 75 milyan oo euro.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay Real Madrid isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga suuqa xagaaga hadii ay hesho fursad ay ugu dhaqaaqi karto saxiixa xiddiga.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan


Source: laacibfm

SHARE