Arsenal Oo Laga Reebay Europa League & Man United Oo Iska Xaadirisay Final-ka Europa League.

Kooxda Arsenal ayaa ka hadhay tartanka Europa League kadib markii ay bar-baro gool la’aan ah la galeen kooxda Villarreal kulan ka dhacay Emirates halka ay Man United iska xaadirisay Final-ka tartanka Europa league.

Kooxda Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh xilli ay Villarreal ku bilowdeen qaab difaac ah iyaga oo adeegsanaya weeraro rogaal celis ah.

Kooxda Villarreal ayaa heshay fursad wakhti hore ah laakiin Waxa badbaadiyay Goolhaye Leno kaas oo kooxdiisa ka badbaadiyay gool wakhti hore ah.

Arsenal ayaa maamulaysay dhanka kubada haysashada laakiin kooxda Villarreal ayaa ahayd kooxda fursadaha badan samaysay iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah laakiin Arsenal laga fursado badnaa inkasta oo ay ciyaarta maamulayeen.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayay Arsenal si dar-dar leh ku bilaaabatay iyaga oo goobo galiyay kooxda Villarreal kuwaas oo dhamaantood difaacanayay goolkooda xilli ay Arsenal raadinaysa goolka.

Xiddiga Aubameynga ayaa ku dhawaaday in uu goolka dhaliyo kadib markii uu madax la helay kubad laakiin waxa ay ku dhacday birta iyada oo Villarreal ka badbaaday gool wadno xanuun ku riday.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Villarreal sidaas ku reebtay Arsenal iskana xaadirisay Final-ka Europa League xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale kooxda Man United ayaa iska xaadirisay Final-ka Europa League kadib markii ay guuldaro 3/2 ah kala kulantay kooxda Roma


Source: laacibfm

SHARE