Chelsea Oo Barcelona Kala Xidhiidhay Xiddig Laga Nacay Camp Nou.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona wax ka waydiisay helitaanka xiddiga khadka dhexe ee Mirelam Pjanci xilli uu Thomas Tuchel doonayo in uu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa.

Blues ayaa iska xaadirisay Final-ka champions league Xilli ciyaareedkan kadib markii ay garaacday kooxda Real Madrid waxana ay kooxdu durba isku diyaarinaysaa suuqa xagaaga.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay chelsea la xidhiidhay Barcelona iyaga oo waydiiyay in la heli karo xiddiga Pjanic marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Pjanic ayaa ku biiray Barcelona xagaagii laakiin waxa u ku dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda Barcelona isaga oo aan ku jirin qorshaha tababare Ronald Koeman.

Xiddiga reer Bosnia ayaa kaliya 6 kulan ku bilowday shaxda kooxda horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waxana uu kulamo badan kaydka fadhiyay xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE