Chelsea Oo Heshay Wado U Fududaynaysa Saxiixa Alex Sandro.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Emerson Palmieri ku darto heshiis kasta oo ay kula soo wareegeyso daafaca bidix ee kooxda Juventus Alex Sandro.

Emerson ayaa ku fashilmay in uu ku guulaysto kalsoonida tababare Thomas Tuchel tan ilaa markii uu tababaruhu la wareegay maamulka kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge isaga oo ah dookha 3-aad kana dambeeya xiddigaha Ben Chilwell iyo Marcos Alonso.

Heshiiska xiddiga 26 jirka ah ayaa dhici doona xagaaga 2022 laakiin waxa la filayaa in uu isaga tago kooxda maadama uuna si joogo ah ugu ciyaarin.

Thomas Tuchel ayaa xiddiga Kooxda Juventus ee Sandro u calaamadsaday badalka Emerson isaga oo doonaya in uu dhiso koox xilli ciyaareedka dambe u tartami karta koobabka oo dhan.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay chelsea diyaar u tahay in ay Emerson ku darto Heshiiska ay kooxda Man United ku doonayso saxiixa Sandro suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan


Source: laacibfm

SHARE