Ibrahima Konate Oo Ogolaaday Heshiiska Uu Ugu Biirayo Liverpool, Imisa Ayuu Qalinka Ku Duugayaa?

Daafaca RB Leipzig Ibrahima Konate ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Liverpool isaga oo ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis 5 sano ah sida uu sheegay saxafiga Fabrizio Romano.

Reds ayaa dhamaystirtay saxixa xiddiga Ben Davies iyo Ozan Kabak suuqii January kadib masiibo dhaawac oo ku habsatay kooxda laakiin Klopp ayaa wali doonaya in uu xoojiyo daafaciisa ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga 21 jirka ah ee Konate saxafiga Romano ayaana haatan sheegaya in heshiisku aad u dhawyahay in la dhamaystiro.

Isla saxafiga ayaa sheegay in ay Liverpool iyo xiddigu dhamaystireen heshiiskooda waliba xididgu ogolaaday heshiis 5 sano waliba lagu dhawaaqi doono heshiiska todobaadyada soo socda.

Xiddiga reer France ayaa xilli ciyaareedkan kaliya u saftay 7 kulan sabab la xidhiidha dhaawacyo badan oo soo gaadhay waxana uu guud ahaan kooxda RB Leipzig u ciyaaray 94 kulan tartamada oo dhan.


Source: laacibfm

SHARE