Jose Mourinho Oo Durba Weerar Ku Qaadaya Kooxdiisii Hore Ee Man United, Qaab Noocee Ah.

Tababaraha Cusub ee kooxda Roma ee Jose Mourinho ayaa maamulka kooxdiisa ka dalbaday in loo keeno kooxda Goolhayaha kooxda Man United ee David De Gea.

Tababare Jose Mourinho ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Roma todobaadkan waxana uu durba maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu saxiixiisa ugu horeeya ka dhigto Goolhayaha Man United ee David De Gea.

David Dea Gea ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa Man United isaga oo ka baxay qorshaha Tababare Ole Gunnar Solskjaer kana dambeeya Goolhaye Dean Henderson oo haatan ah Goolhayaha 1-aad.

Jose Mourinho ayaan ku qanacsanayn Goolhayaha Pau Lopez oo ah Goolhayaha 1-aad ee kooxda Roma waxana uu doonayaa in uu De Gea dib ula midoobo kadib markii uu kala soo shaqeeyay Man United.

Man United ayaa dhankeeda la aaminsanyahay in ay u furantahay in ay iska iibiso Goolhayaha reer Spain xagaaga kadib markii uu booskiisa u waayay Goolhaye Henderson oo ah Goolhayaha 1-aad ee koxoda.


Source: laacibfm

SHARE