Laba Koox Oo Premier League Ah Oo Isku Arki Doona Final-ka Champions League, Imisa Jeer Oo Hore Ayay Dhacday?

Kooxaha Man City iyo chelsea ayaa isaga hor iman doona Final-ka champions League 29 bishan May kulankaas oo ka dhici doona garoonka Ataturk Olympic Stadium kuna yaala magaalada Istanbul.

Markan ayaa noqon doona markii 3-aad ee taariikhda tartanka ay Final-ka isaga hor yimaadaan laba kooxood oo Premier League ah iyo markii 2-aad muddo 2 sano gudohood ah.

Markii ugu horaysay ee ay laba koox oo premier Leageu ah isaga hor yimaadaan Final-ka champions league waxa ay ahayd 2008 markaas oo ay Man United rikoodhayaal chelsea kaga qaaday koobka.

11 sano kadib Liverpool ayaa Garaacday Tottenham iyaga oo uga mahad celinaya Mohamed Salah iyo Divock Origi kuna guulaystay koobka markii 6-aad ee taariikhdooda.

Kooxda Man City ayaa final-ka champions League ciyaari doonta markii ugu horaysay taariikhdooda halka ay kooxda chelsea ciyaarayso markii 3-aad ee taariikhdooda.


Source: laacibfm

SHARE