Man City Oo Xiddig Lala Xidhiidhinayo Chelsea Iyo Man United U Calaamadsatay Badalka Fernandinho

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda West Ham ee Declan Rice kaas oo ay u calaamadsatay badalka mustaqbalka fog ee Fernandinho sida ay sheegayaan wararku.

Fernandinho o 36 jir ah ayuu heshiiskiisa kooxda Man City dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Metro ayaa sheegaya in ay Man City xiddiga reer England ee Rice u arkootay badalka mustaqbalka fog ee xiddiga Fernandinho kaas oo 8 sano ku qaatay kooxda Man City.

Xiddiga Rice ayaa dhankiisa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan waxana lala xidhiidhinayay kooxaha Man City Chelsea kuwaas oo doonaayy saxiixa xiddiga.


Source: laacibfm

SHARE