Mason Mount Oo Ku Digtay Toni Kroos Kadib Markii Ay Chelsea Garaacday Real Madrid.

Xiddiga da’yarka ah ee kooxda chelsea Mason Mount ayaa ku digtay xiddiga kooxda Real Madrid ee Toni Kroos kadib markii ay kooxda chelsea champions League ka reebtay kooxda Rea Madrid.

Mount ayaa sheegay in uuna Toni Kroos Hurdo seexan doonin kadib markii ay Chelsea kooxdiisa ka reebtay champions League xilli ciyaareedkan.

Kroos ayaa kulanka ka hor sheegay in uu wali xasuusto waliba 15 sano ka hor markii ay Chelsea champions League ka qaaday Bayern munich oo uu Kroos markaas u ciyaarayay waliba uuna hurdo seexan muddo dheer.

Mason Mount oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan maqlay waxa uu Toni Kroos sheegay oo ah in uu hurdo waayay sabab la xidhiidha guuldaradii chelsea”.

“Haatana muddo dheer hurdo seexan maayo markii ay chelsea ka reebtay champions league”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE