Qorshaha PSG Ee Suuqa Xagaaga Oo La Ogaaday, Barcelona & Liverpool Ayay Saamaynaysaa.

Paris Saint-Germain ayaa durbaba ka fikireysa suuqa kala iibsiga xagaaga waxaana ka go’an inay keenaan xiddiga Barcelona Lionel Messi kaasoo noqon doona xiddig xor ah 30ka June.

Kooxda reer France ayaa laag reebay champions League inkasta oo ujeedkodu haatan yahay in ay xilli ciyaareedkan ku dhamaystaan ku guulaysiga horyaalka Ligue 1 iyo Coupe de France.

Wargayska Le Parisien ayaa sheegaya in ay kooxda PSG diirada saarayso xoojinta 3 boos iyo waliba in ay doonayaan xiddig weyn, khadka dhexe iyo daafaca Midig.

Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay saxiixooda ugu weyn ka dhigto xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi si ay ua garab ciyaarsiiso xiddigaha Neymar iyo Kylian Mbappe.

Hadii uu Lionel Messi diido in uu ka tago kooxda Barcelona waxa ay PSG diirada saari doontaa sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah.


Source: laacibfm

SHARE