RASMI: Wakhtiga La Ciyaari Doono Kulankii Man United Vs Liverpool Oo La Shaaciyay

Kulanka kooxaha Man United iyo Man United ee ka dhici doona garoonka Old Trafford ayaa la xaqiijiyay in la ciyaari doono 13 bishan haatan lagu jiro kuna beegan maalin khamiis ah.

Kulanka ayaa dhici lahaa Axadii la soo dhaafay laakiin waxa la joojiyay kadib markii ay taageerayaasha Man United jabsadeen garoonka Old Trafford sidoo kale si weyn ugu mudaharaadeen agagaarka garoonka Old Trafford.

Kulanka ayaa soo gali doona 10:15 Habeenimo wakhtiga Somaliya iyada oo labada kooxoodba ciyaari doonaan kulanka muhiimka u ah taariikhdooda maadama ay si weyn u xafiiltamaan.

Si kasta ha ahaatee kulankan ayaa madax xanuun ku abuuri doona tababare Ole Gunnar Solskjaer marka la eego in kulanka Liverpool iyo Kulanka Leicester City u dhexayn doonto kaliya laba maalin.


Source: laacibfm

SHARE