Taagerayaasha Real Madrid Oo Si Weyn Uga Xanaaqay Ficil Uu Eden Hazard Sameeyay Kadib Kulankii Semi-final-ka

Eden Hazard ayaa ka mid ahaa kooxdii Real Madrid ee guuldarada kala kulantay Chelsea kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka champions League ee ka dhacay Stamford Bridge.

Laakiin ciyaarta kadib waxa la arkay isaga oo la qoslaya xiddigaha kooxdiisii hore ee chelsea lana kaftamaya inkasta oo kooxdiisa laga reebay champions League.

Xiddigii hore ee chelsea ayaa ku bilowday shaxda kooxdiisa haatan ee Real Madrid laakiin aan wax saamayn ah ku yeelan kulanka ay kooxdiisu kala kulantay guuldaro 2/0 ah.

Ciyaarta kadib xiddiga ayaa u hambalyeeyay xiddigaha chelsea guusha laakiin sidoo kale la arkay muuqaalo muujinaya isaga oo la qoslaya lana kaftamaya qaar ka mid ah xiddigaha chelsea.

Arintaas ayaa si weyn uga xanaajisay taageerayaasha Real Madrid kuwaas oo xiddiga reer Belguim ku weeraray baraha bulshada


Source: laacibfm

SHARE