WARBIXIN: 5 Sabab Oo Ay Man City Markii Ugu Horaysay Ee Taariikhdeeda Ugu Guulaysan Doonto Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Manchester City ayaa gaartay finalka Champions League markii ugu horeysay ka dib markii ay wadar ahaan 4-1 ku garaacday kooxda reer France ee Paris St Germain.

Kooxda Pep Guardiola ayaa tartanka champions League looga reebay Quarter-Final-ka 3-dii sano ee ugu dambaysay laakiin waxa ay xilli ciyaareedkan gaadhay Final-ka tartanka.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5 Arin oo sabab u ah in ay Man City ku guulaysan doonto champions league xilli ciyaareedkan.

1.Guardiola Oo Horay Ugu Soo Guulaystay Champions league:

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa laba jeer oo hore ku soo guulaystay champions league markii uu joogay kooxda Barcelona sidaas darteed waxa uu khibrad fiican u leeyahay ku guulaysiga koobka marka uu gaadho final-kiisa.

2.Ruben Dias Bir Ka Dhigay Daafaca Man City:

Daafaca reer Portugal ee Ruben Dias ayaa kooxda Man City ka dhigay kuwo ka adag daafaca dambe waxana uu kooxda ka caawiyay in ay horumar weyn ka samayso dhanka daafaca waxana ay arintaas gacanta sare siinaysaa kooxda Man City.

3.Phil Foden Oo Qaab Ciyaareed Soo Bandhiga Kulamada Waaweyn:

Xiddiga Da’yarka ah ee Foden ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo jira kaliya 21 jir laakiin durba muujiyay tayadiisa iyo waliba in uu u ciyaari karo heerka ugu sareeya ee kubada cagta, xiddiga ayaa Soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamada waaweyn isaga oo kulankii ugu dambeeyay ee PSG muujiyay in uu yahay xiddig la isku halayn karo kulamada waaweyn.

4.Isku Duubnaanta Man City Oo Fure Ah:

Waxa jira xiddigo badan oo tayo leh kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan kana mid yihiin Kevin De Bruyne, Ilkay Gundogan, Riyad Mahrez, Bernardo Silva, Joao Cancelo, Kyle Walker iyo xiddigo kale oo badan laakiin arinta ugu muhiimsan ee Man City xilli ciyaareedkan ayaa ah in ay si koox ah u ciyaarto kulamada taas oo ay soo if baxday kulankii PSG mar walba oo uu Neymar kubada haysto.

5.Ederson Oo Laf Dhabar U Ah City:

Goolhayaha Ederson ayaa xilli ciyaareedkan dhankiisa ah xiddig muhiim u ah kooxda Man City iyada oo 27 jirkan door weyn ka qaatay gaadhista Man City ee Final-ka trtanka champions League xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed Ederson ayaa door muhiim ah ka qaadan doona ku guulaysiga Man City ee champions League xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE