Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mikel Arteta Kadib Ka Hadhistii Europa league.

Maamulka Kooxda Arsenal ayaa go’aan kama dambays ah ka gaadhay mustaqbalka tababare Mikel Arteta kadib markii ay kooxdu ka hadhay Europa League xilli ciyaareedkan kadib markii ay guuldaro kala kulantay Villarreal

Xilli ciyaareedka Arsenal ayaa haatan soo dhamaaday maadama ayna u tartamayn wax koobab ah sidoo kale u muuqato in ay gabi ahaan seegi doonto tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe.

Kadib markii ay ka hadhay Europa league taageerayaasha Arsenal ayaa dalbaday in shaqada laga caydhiyo Mikel Arteta maadama uuna awood u lahayn in uu kooxda ku soo celiyo wakhtigii fiicnaa.

Si kasta ha ahaatee Maamulka Arsenal ayaa aaminsan in uu Mikel Arteta yahay tababaraha ku haboon shaqada kooxda Arsenal waliba uu xalin doono dhibataada kooxda haysata.

Shabakada Football Talk ayaa sheegaya in ay Maamulka Arsenal Arteta u arkaan tababaraha hogaamin doona kooxda kustaqbalka dhaw waliba ayna shaqada ka caydhin doonin xagaaga dhamaadka xilli ciayareedkan.

Isla shabaakda ayaa sheegaysa in ay Arsenal diyaar u tahay in ay Arteta ku taageerto suuqa xagaaga si uu u dhisto kooxda uu isagu doonayo in uu ku shaqeeyo waliba guulo ugu soo hooyo kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Raali Gelin Ah, U Dir Gacalisadaada, Shaki La’aan Way Ku Cafin Doontaa.


Source: laacibfm

SHARE