Halka Lagu Qabanayo Finalka Champion-ka Oo Shaki La Gilinayo, Istanbul Miyaa Laga Waeejinayaa

Waxaa soo baxaya shaki ah in finalka Champion-ka lagu qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga sida ilo wareedyo kala duwan sheegayaan

City iyo Chelsea ayaa sanadkaan u soo baxay  finalka Champion-ka ka dib markii ay soo kala reebeen PSG iyo Real waxaana lagu wadaa in 29-ka bishaan uu ka  dhacayo magaalada Istanbul.

Haatan , waxaa soo baxaya shaki ah in laga yaabo in Turkiga laga wareejiyo marti gilinta kulankaas sababo la xariira xanuunka caabuqa oo wadankaas fara  ba`an ku haya .

Turkiga ayaa si ay u xakameyso faafitaanka xanuunkaan waxa ay soo rogtay bandaw halka ganacsiga la xeray ka dib markii uu sara u kacay dadka uu soo riday xanuunkaan .

PA Media ayaa soo xiganeysa in xildibaano ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, qeybaha caafimaadka iyo mas`uuliyiin City iyo Cheklea ay  dalbadeen in ciyaartaas laag wareejiyo laguna qabto Ingiriiska maadaama labada kooxba ay yihiin Ingiriis.

Kooxda Aston Villa ayaa durba codsatay in ay marti giiliyaan finalka Champion-ka , waxaana xusid mudan in weli wax war ah uusan ka soo bixin maamulka ciyaaraha ee Turkiga .


Source: laacibfm

SHARE