LAMA FILAAN: Thomas Tuchel Oo Chelsea Ka Dalbaday In Ay U Keenaan Xiddig Liverpool U Ciyaara.

Wargayska Sport Bild ee ka soo baxa dalka Germany ayaa qarxiyay lama filaan weyn kadib markii uu sheegay in uu tababaraha chelsea ee Thomas Tuchel dalbaday in kooxda dib loogu soo celiyo xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah marka la gaadho suuqa xagaaga.

Heshiiska Mohamed Salah ee Liverpool ayuu ka hadhsanyahay muddo 2 sano ah ilaa haatana Liverpool wax wadahadalo heshiis kordhin ah lama furin xiddiga reer Masar.

Wargayska Sport Bild ayaa sheegaya in uu Thomas Tuchel Mohamed Salah ku darsaday Liiska xiddigaha uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa Chelsea horay ugu soo ciyaaray isaga oo ku fashilmay ka hor inta uuna ku soo laaban premier League xagaagii 2017 wacdarana ka dhigin Kooxda Liverpool.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay 20 gool oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaareedkan isaga oo u tartamaya gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Raali Gelin Ah, U Dir Gacalisadaada, Shaki La’aan Way Ku Cafin Doontaa.


Source: laacibfm

SHARE