Mikel Arteta Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal Kadib Ka Hadhistii Arsenal Ee Europa League.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in uu wali yahay tababaraha munaasibka ah ee horay u wadi kara kooxda Arsenal dibna u soo celin karo guulihii Arsenal inkasta oo ay kooxdu ku fashilantay iska xaadirinta Final-ka Europa league.

Arsenal ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay kooxda Villarreal iyaga oo sidaas darteed isaga hadhay Final-ka Europa Leageu xilli ciyaareedkan kadib markii ay guuldaro 2/1 ah kala kulantay Vilarreal kulankii hore.

Markii wax laga waydiiyay in uu yahay tababaraha munaasibka ah ee sii hogaamin kara Arsenal ayuu Arteta ku jawaabay” jawaabta Fudud waa, Haa”.

“Waxan u malaynayaa in shaqada qof walba halis ku jirto, waligay ma sii joogi doono halkan laakiin hadii aanan awoodayn in aan la shaqeeyo xiddigahan ma joogeen halkan”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aad ka arki doontaa garoonka, kaliya ma ahan hadal laakiin sidoo kale waxa aan ka qabano garoonka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Raali Gelin Ah, U Dir Gacalisadaada, Shaki La’aan Way Ku Cafin Doontaa.


Source: laacibfm

SHARE