Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Eden Hazard Kadib Fashilkii Xilli Ciyaareedkan.

Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa inuusan mustaqbal ku laheyn Real Madrid, iyadoo kooxda heysata horyaalka Spain ay dooneyso inay iska iibiso xiddiga reer Belgium marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

30 jirkaan ayaa kaliya dhaliyay afar gool 40 kulan oo uu u saftay Los Blancos tan iyo markii uu yimid Bernabeu isagoo lacag badan kaga soo wareegay Chelsea bishii July 2019.

Hazard ayaa mar kale la dhibtoonayay dhaawacyo xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay kaliya seddex gool 18 kulan oo uu ciyaaray waxana uu ku fashilmay in uu qaab ciayareed fiican soo bandhigo kulankii kooxdiisii hore ee chelsea ee Champions league.

Xiddiga ayaa ciyaaray 89 daqiiqo lugtii 2-aad ee Semi-final-ka champions league laakiin waxa uu ku fashilmay in uu kooxdiisa ka hor istaago guuldaro 2/0 ah oo ay kala kulanto kooxdiisii hore.

Sida laga soo xigtay Marca, Hazard ayaan ku jirin qorshaha Madrid ee xilli ciyaareedka 2021-22, kooxda ayaa isku dayi doonta in ay iska iibiso xiddiga suuqa so socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Raali Gelin Ah, U Dir Gacalisadaada, Shaki La’aan Way Ku Cafin Doontaa.


Source: laacibfm

SHARE