Thomas Tuchel Oo Magacaabay Xiddigaha Chelsea Jooga Ee Furaha U Ah Guulaha Blues.

Thomas Tuchel ayaa ku amaanay kabtanka kooxda Cesar Azpilicueta ku amaanay in uu fure u yahay guulaha kooxda cheslea ee FA Cup-ka iyo Champions league oo ay gaadheen final-kooda.

Chelsea ayaa iska xaadirisay Final-ka FA Cup-ka iyo champions League waxana labada kulan ee ay ku gaadheen final-ka labadaas tartan shaxda ku bilowday daafaca Azpilicueta kaas oo haatan si joogto ah ugu ciyaara kooxda.

Azpilicueta ayaa ku soo laabtay qorshaha tababare Thomas Tuchel kadib markii uu tababaraha u noqday kooxda waxana uu Tuchel amaanay xiddiga 31 jirka ah oo muhiim u ah kooxda.

“Aniga ahaan, waxa uu qeexaa wax walba oo aan ka fikiro shaxda chelsea, waa dagaalyahayn, waa xiddig kooxeed, mana aqbalo xadi”ayuu Tuchel Yidhi.

“Mar walba waa diyaar waa xirfadle xeer sare ah, waana qof fiican”.

“Waxan u malaynayaa in uu yahay xiddigaha furaha u ah guulaha chelsea”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Raali Gelin Ah, U Dir Gacalisadaada, Shaki La’aan Way Ku Cafin Doontaa.


Source: laacibfm

SHARE