Toni Kroos Oo U Jawaabay Mason Mount Kadib Markii Uu Xiddiga Chelsea Ku Digtay.

Inkasta oo kooxdiisu guuldaro la kulantay Semi-final-ka champions League hadana Toni Kroos ayaa wakhti u helay in uu u jawaabo xiddiga kooxda cheslea ee Mason Mount kaas oo ku digtay xiddiga.

Real Madrid ayaa la garaacay labadii kulan ee Semi-Final-ka champions league laakiin Kroos ayaa kulanka ka hor sheegay in uuna muddo hurdo seexan kadib markii ay chelsea Bayern Munich ka qaaday champions League 15 sano ka hor.

Mount ayaa u jawaabay kadib markii uu dhaliyay gool kulankii lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions League.

Mason Mount oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan maqlay waxa uu Toni Kroos sheegay oo ah in uu hurdo waayay sabab la xidhiidha guuldaradii chelsea”.

“Haatana muddo dheer hurdo seexan maayo markii ay chelsea ka reebtay champions league”ayuu sii raaciyay.

Laakiin Toni Kroos ayaa wakhti u helay in uu u jawaabo xiddiga kooxda chelsea isaga oo Twitterka ku qoray”Wali si fiican ayaan u seexdaa, laakiin shaqo fiican ayaad qabateen shalay, Hamblayo, Nasiib wacan Final-ka champions League”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Raali Gelin Ah, U Dir Gacalisadaada, Shaki La’aan Way Ku Cafin Doontaa.


Source: laacibfm

SHARE