Zinedine Zidane Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Real Madrid Kadib Ka Hadhistii Real ee Champions League.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu si aad ah ugu daalay Real Madrid waliba diyaar u yahay in uu iska casilo shaqada tababaranimo ee kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha reer France ayaa markii 2-aad ku soo laabtay Los Blancos waxana uu ku qabanayaa shaqo fiican isaga oo kula guulaystay horyaalka La Liga tan ilaa markii uu ku soo laabtay kooxda

Real Madrid ayaa laga reebay champions league Arbacadii taas oo la macno ah in ay kaliya u tartamayso horyaalka La Liga si ay u badbaadiso xilli ciyaareedkooda.

ZHeshiiska Zidane ayaa dhici doona bisha June ee sanadka dambe laakiin shabakada Goal ayaa sheegaysa in ay xiddigaha kooxdu aaminsanyihiin in uu tababaruhu isaga tagi doono kooxda xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in uuna Zidane ku raaxaysanayn nolosha Madrid sidaas darteed uu doonayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Raali Gelin Ah, U Dir Gacalisadaada, Shaki La’aan Way Ku Cafin Doontaa.


Source: laacibfm

SHARE