10-ka Xiddig Ee Xorta Noqon Doona Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

Horyaalka Premier League ayaa dhawaan soo xidhmi doona waxana furmi doona suuqa kala iibsiga xagaaga 1 bisha July iyada oo xiddigaha iyo tababarayaashu ku mashquulsanyihiin mustaqbalkooda.

Inkasta oo ay kooxaha premier League isku diyaarinayaan in ay sameeyaan saxiixyo waaweyn hadana waxa jiri doonta xiddigo si xor ah lagu heli karo suuqa xagaaga

Waxa jira xiddigo badan oo qaab xor ah lagu heli iyada oo xiddigo badan oo fiican ku jiraan todobaadyadii ugu dambeeyay ee heshiiska kooxaha ay haatan kula jiraan.

taariikhda Premier League waxa jira xiddigo qaab xor ah ugu biiray kooxaha waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba ka fiican xiddigo lacag badan laga bixiyay suuqa kala iibsiga.

Suuqa xagaaga waxa jiri doona saamaynta xanunka Korona lamana filayo in ay kooxo waaweyn sameeyaan saxiixyo lacag badan ku fadhiya maadama ayna kooxna awoodin in ay sameeyaan saxiixyo waaweyn.

Hadaba halkan waxa aan ku soo bandhigaynaa xiddigaha xorta ah ee lagu heli karo qaabta xorta ah.

  1. Sergio Aguero
  2. David Luiz
  3. Jerome Boateng
  4. Georginio Wijnaldum
  5. Memphis Depay
  6. Sergio Ramos
  7. Lucas Vazquez
  8. Gianluigi Donnarumma
  9. Julian Draxler
  10. Hakan Calhanoglu

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE