Faah-Faahinta Heshiiska Cusub Ee Neymar Oo La Ogaaday, Barca Way Quusanaysaa.

Kooxda PSG ayaa saacada soo socda ku dhawaaqi doonta heshiiska cusub ee xiddiga Neymar kaas oo qalinka ku duugi doona heshiis cusub oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2026.

Heshiiska Neymar ee haatan ayaa dhici doona damaadka xilli ciyaareedka dambe laakiin xiddiga ayaa u muuqda mid si joogi doona kooxda PSG mustqbalkiisana u hibayn doona kooxda.

Wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in wadahadaladu haatan soo xidhmeen Neymar-na sii joogi doono kooxda PSG waliba qalinka ku duugi dooono heshiis cusub oo 5 sano oo kale ah.

Heshiiska cusub ayaa si Rasmi ah u soo afjari doona rajada kooxda Barcelona ka qabto saxiixa xiddiga reer Brazil ee ay ku doonayso in ay ku soo celiso xiddiga Camp Nu.

Xiddiga 29 jirka ah ee Neymar ayaa qirtay in uu ku faraxsanyahay kooxda PSG taas oo fududaynaysa in uu xiddigu heshiiska cusub qalinka ugu duugo kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE