Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Baacsigii Ay Real Madrid Ugu Jirtay Saxiixa Paul Pogba?.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay weli xiiseyneyso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba.

Heshiiska xiddiga 28 jirka ah ee Man United ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana la fahamsanyahay in ay kooxdu wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirto xiddiga khadka dhexe.

Pogba ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan laakiin waxa la hadal hayaa mustaqbalkiisa Kooxda Man United.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real Madrid wali xiiso xoogan u hayso saxiixa xiddiga khadka dhexe waliba ay ka fiirsanayaan in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa suuqa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Los Blancos suuqa u gali doonto xiddig khadka dhexe ku fiican waliba Pogba u aragto xiddig wax weyn ku soo kordhin doona kooxdiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE