Hordhac: Barcelona Vs Atletico Madrid: Kulankan Oo Saamayn Weyn Ku Yeelan Kara Tartanka Horyaalka La Liga, (Bar-Barkay Ka Baxdaa Waa Bakayla Qaleen).

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Atletico Madrid kulan xiiso gaar ah leh kana tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 35-aad ee xilli ciyaareedkan Kana dhici doona garoonka Camp Nou.

Kulanka ayaa si weyn u go’aamin kara horyaalka La Liga iyada oo ciyaarta kadib la ogaan doono kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Atletico Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ka fogaadaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid kuna sii dhawaadaan ku guulaysiga horyaalka.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay hogaanka u qabtaan horyaalka La Liga.

Kulanka: Barcelona Vs Atletico Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 5:15 Galabinimo

Garoonka Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Barcelona ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga ay la ciyaartay Atletico Madrid, kulankaasna waxa uu ahaa kulankii qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan, Xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee ay Barcelona guuldaro kala kulantay Atletico Madrid kulamada mininka iyo martida horyaalka La liga waxa ay ahayd 2005/2006.

Atletico Madrid ayaa ku fashilantay in ay Barcelona wax guul ah ka gaadho 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Barcelona waana kooxda ay ku leedahay rikoodhka ugu dheer ee guul la’aanta garoonkeeda iyada oo guushii ugu dambaysay ee ay Barcelona kaga badisay Camp Nou ahayd 2006.

Barcelona ayaa dhibcaha ugu badan heshay horyaalka La Liga sanadka 2021 waxana ay uruursadeen 49 dhibcood tan ilaa bilowgii sanadka cusub waxana ay 8 dhibcood ka badantahay Atletico Madrid wakhtigaas.

Kadib guuldaradii Granada ee 2/1 ahayd, Barcelona ayaa markii 3-aad qarniga 21-aad la kulmi karta 2 guuldaro oo xidhiidh ah horyaalka La Liga iyaga oo jooga garoonkooda Camp Nou, markii ugu dambayay ee ay sidaas ku dhacdo waxa ay ahayd bishii April 2016.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE