Hordhac: Man City Vs Chelsea & Liverpool Vs Southampton: Xogta & Xaqiiqooyinka Muhiimka Ah Ee Aad Uga Baahantahay Labada Kulan.

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda chelsea kulanka ugu adag todobaadkan horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Etihad 7:30 Fiidnimo wakhtiga Somaliya.

Dhanka kale Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Southampton kulan ka dhici doona garoonka Anfield kana tirsan premier League kaas oo soo gali doona 10:15 Habeenimo wakhtiga Somaliya.

Man City ayaa kulanka u soo galaysa in ay xaqiiqsato ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyada oo guul uga filantahay in ay u dabaal dagto horyaalka xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa wali u dagaalamaysa sidii ay ugu dhamaysan lahayd boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe kadib xilli ciyaareed adag oo ay soo qaadatay.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Hadii ay Man City garaacdo Chelsea waxa ay la bar-barayn doontaa 5-ta horyaalka ee Chelsea horyaalka premier League kaliya Man United oo 13 ku guulaystay aya ka badnaan doonta.

Liverpool ayaan laga badinin lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay garoonkooda kula ciyaaraan Southampton, iyagoo badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay wadar ahaan wadar ahaan 10-0.

Kooxda Pep Guardiola ayaa shabaqooda ilaashatay 18 kulan oo ka mid ah 34 kulan oo horyaalka premier League xilli ciyaareedkan ah waana in hal kulan ka badan intii ay ilaashadeen dhamaan xilli ciyaareedkii horeo oo dhan.

Mohamed salah ayaa dhaliyay 7 gool 7-dii kulan ee uu ka hor tagay kooxda Southampton isaga oo 5 ka mid ah 3-dii kulan ee uu ka dhaliyay garoonka Anfield.

Chelsea ayaa shabaqeeda ilaashatay 11 ka mid ah 15 kulan oo ay ciyaartay horyaalka intii uu hogaaminayay tababare Thomas Tuchel.

Southampton ayaa raadineysa inay laba guul ka gaadho kooxda Liverpool kaliya markii 2-aad kadib markiiay horay sidaas u samaysay xilli ciyaareedkii 2003/2004.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE