Jose Mourinho Oo Doonaya Xiddig Ku Dhibaatoonaya Man United.

Jose Mourinho ayaa si aad ah u doonaya in uu ka dhigo xiddiga Man United Donny van de Beek mid ka mid ah saxiixyadiisii ​​ugu horeeyay ee kooxda Roma.

Tababare Jose Mourinho ayaa noqon doona tabaabraha cusub ee kooxda Roma isaga oo shaqada ka badali doona tabaabre Paulo Fonseca marka uu dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Calcio Mercato ayaa sheegaya in ay kooxda dooneyso inay dib u soo celiso xiisihii ay u qabtay Van de Beek waxayna doonayaan inay ka dhigaan mid ka mid ah saxiixyadoodii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga.

Van de Beek ayaa ku dhibaatoonaya qab ciayareedka tan ilaa markii uu ku soo biira kooxda Man United xagaagii isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Ole Gunnar Solskjaer.

Mourinho ayaa doonaya in uu Van de Beek siiyo fursad uu isku muujiyo xilli ciyaareedka dambe isaga oo doonaya in uu dhiso koox u tartanta koobabka xilli ciyareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE