Man United Oo Badalka David De Gea Ka Heshay La Liga.

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa Goolhayaha kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak si ay ugu badasho goolhaye David De Gea kaas oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda.

David De Gea ayaa waayay booskiisa kooxda Man united isaga oo ka dambeeya Goolhaye Dean Henderson taas oo keentay in uu shaki weyn soo food saaro mustaqbalka Goolhaye De Gea.

Shabakada ESPN ayaa sheegaysa in ay Man United doonayso saxiixa Goolhaye Jan Oblak xilli uuna Goolhayuhu diidayn in uu u dhaqaaqo Old Trafford suuqa xagaaga.

Isla wararka ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid dalban doonto lacag dhan 105 milyan oo euro hadii ay iska fasaxayso Goolhayohooda 1-aad marka la gaadho suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE