RASMI: PSG Oo Xaqiijisay in Ay Heshiis Wakhti Fog Ah Ka Saxiixatay Neymar.

Kooxda PSG ayaa shaacisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddigeeda 1-aad ee Neymar kaas oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo ilaa xagaaga 2025 ah.

Neymar ayaa kooxda PSG ku soo biiray xagaagii 2017 isaga oo ugu soo biiray lacag rikoodh ah oo dhan oo dhan 222 milyan euro markaas oo uu kaga soo biiray kooxda Barcelona.

Kooxda PSG ayaa bareheeda bulshada ku shaacisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga reer Brazil kaas oo kooxda sii joogi doona ilaa xagaaga 2026 maadama uu hal sano uga hadhsanaa heshiiskisiii hore.

Heshiiskan cusub ayaa soo afjaraya rajadii Barcelona ka qabtay saxiixa Neymar marka loo eego in auu muddo dheer sii joogi doono kooxda PSG

PSG ayaa bogeeda Twitter-ka soo dhigtay muuqaal uu Neymar xidhanyahay maaliyada kooxda PSG waliba sii raaciyay hadal ah”Halkan waa Paris”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE