Real Madrid Oo Heshay Badalka Zinedine Zidane, Tababare Khabiir Ah Ayay Arkootay.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay tababarihii hore ee kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri  u calaamadsatay badalka Ugu Macquulsan ee Tababare Zinedine Zidane, hadii tababaraha reer France uu u istaago shaqada tababaranimo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Zidane aya Real Madrid kula jira heshiis ilaa xagaaga dambe ah laakiin waxa jira warar sheegaya in uu Tababaruhu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida uu sheegayo suxufiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, 48 jirkaan ma qaadan doono go’aanka ugu dambeeya ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin Real Madrid ayaa haatan raadineysa bedel macquul ah.

Romano ayaa sheegaya in uu Allegri hogaaminayo Liiska tababarayaasha lala xidhiidhinayo Ream Madrid xilli uu tababaraha 53 jirka ah doonayo in uu ku soo laabto shaqada tababaranimo xilli ciyaareedka dambe.

Allegri, oo sidoo kale dhawaanahan lala xiriirinayay shaqada Tottenham Hotspur ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Juventus bishii May ee sanadkii 2019.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE