Real Madrid Oo Xaqiijisay Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Sergio Ramos Ka Hor Kulanka Sevilla

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay dhaawac soo gaadhay kabtankeeda Sergio Ramos ka hor kulanka Sevilla ee horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa kulanka ay la ciyaari doonto Sevilla Axada kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 35-aad.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu dhaawacmay Ramos intii lagu jiray kulankii Chelsea ee champions League ee Bartamihii todobaadkii hore.

Los Blancos ayaa baadhitaan ku samaysay xiddiga maanta oo sabti ah kadib markii uu seeay tababarkii buuxa ee kooxdiisa maalmihii la soo dhaafay.

Baadhitaankii ayaa muujiyay in uu Egfeshan kaga dhacay lugta Midig waliba maalmaha soo socda la qiimayn doono xaaladiisa iyada oo aan la ogayn mudada uu maqnaan doono.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE