Shaxda Uu Jose Mourinho Ku Ciyaari Karo Roma Xilli Ciyaareedka Dambe, Hazard, Varane, Luiz & Xiddigo Waaweyn Oo Kale Ayaa Ka Muuqda.

Tababaraha Cusub ee kooxda Roma Jose Mourinho ayaa isku diyaarinaya in uu dhiso koox xilli ciyaareedka dambe ku tartanka koobabka Europa League iyo waliba horyaalka Serie A-da.

Jose Mourinho ayaa la wareegi doona shaqada Roma dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu heshiis 3 sano ah u saxiixay kooxda ka dhisan caasimada si uu u noqdo tababarohooda cusub.

Mourinho ayaa xirfadiisa ciyaareed soo hogaamiyay xiddigo badan oo heer caalami ah kuwaas oo uu kula soo shaqeeyay kooxo kala duwan oo reer yurub ah.

Tababaraha ayaa haatanba bilaabay dhisida kooxdiisa isaga oo calaamadsaday xiddigaha uu doonayo in uu keeno kooxdiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo Roma lala xidhiidhinayo xiddigo badan.

Wargayska The Sun ayaa haatanba shax ka sameeyay sida uu Jose Mourinho ku ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe hadii uu helo xiddigaha uu doonayo in uu keeno kooxda suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE