Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Chelsea Garaacday Man City.

Kooxda chelsea ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Man City kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League kana dhacay garoonka Etihad Staduim.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Marcos Alonson Iyo Hakim Ziyech ayaa Chelsea ka caawiyay in ay guul soo laabasho leh ka gaadho kooxda Man City.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulankii ay chelsea garaacday kooxda Man City.

1.Raheem Sterling ayaa daliyay 10 gool iyo wax ka badan 4-tii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay horyaalka premier League kaliya Sergio Aguero oo sidaas sameeyay 9 xilli ciyaareed ayaa ka badan xiddiga ay isku kooxda yihiin.

2.Man City ayaa ku fashilantay in ay dhaliso rikoodhe premier League xilli ciyaareedkan waana kooxda ugu badan ee sidaas samaysay iyaga oo iska khasaariyay 4 rikoodhe iyo wax ka badan laba xilli ciyaareed oo xidhiidh ah tan ilaa Tottenham oo sidaas samaysay 1993/199 iyo 1994/1995.

3.Man City ayaa laga dhaliyay ugu yaraan 2 gool 4 kulan oo xidhiidh ah markii ugu horysay tan ilaa bishii December 1978.

4.Goolkii 2-aad ee laga dhaliyay Man City oo yimid daqiiqadii 91:54-aad ayaa ah goolkii ugu horeeyay ee wakhtiga dhimashada laga dhaliyo Man City kulan premier League ah tan ilaa Paul Scholes oo sidaas sameeya bishii Apirl 2010.

5.Man City ayaa laga badiyay 2 kulan oo xidhiidh ah iyada oo garoonkeeda joogta waliba goolka guusha laga dhaliyay daqiiqadiin 90-aad waana in ka badan 235-kii kulan ee hore ee ay ku ciyaartay horyaalka garoonkeeda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad Telefoonka Ugala Hadli Kartaa Gacalisadadaada Markii Ugu Horaysay, Wadooyinkan Raac.


Source: laacibfm

SHARE