Ac Milan Oo Garaacday Juventus & Cristaino Ronaldo Oo Halis Ugu Jira In Uu Seego Champions Leaue Xilli Ciyaareedka Dambe.

Kooxda Ac Milan ayaa dhulka ku jiiday kooxda Juventus oo joogta garoonkeeda kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da todobaadkii 35-aad ee xilli ciyaareedka.

Ac Milan ayaa gaadhay guul ay u qalantay xilli ay Juventus o uu hogaaminayo Cristiano Ronaldo si weyn ugu dhibaatootay in ay soo bandhigto qaab ciyaareed fiican.

Daqiiqadii 45+1-aad ee qaybtii hore ayay kooxda Ac Milan dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Brahim Diaz kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Qaybtii dambe ayay Ac Milan sii waday wacdarihii ay ka dhigaysay kulanka iyaga oo daqiiqadii 58-aad helay rikoodhe laakiin waxa laga qabtay xiddiga khadka dhexe e Franck Kessie.

Daqiiqadii 78-aad ayay Ac Milan sii dheeraystay hogaaka ciyaarta waxana gool u dhaliyay xiddiga Ante Rebic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Ac Milan ku hogaaminayso kulanka.

Ac Milan ayaa dishay ciyaarta daqiiqadii 82-aad kadib markii uu xiddiga Fikayo Tomori dhaliyay gool madax ah kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay kooxdiisa Ac Milan ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus ku jirto kaalinta 5-aad iyaga oo leh 69 dhibcood halka ay kooxda Ac Milan ku jirto kaalinta 3-aad iyaga oo leh 72 dhibood.


Source: laacibfm

SHARE